Ciidamo uu wato Korneel Boonow oo Al Shabaab kala wareegay Deegaan Istaraatiiji ah

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya uu hoggaaminayay korneel lagu magacaabo Abuukar Boonow, ayaa xalay la wareegay deegaanka Xawaadley ee kuyaalla inta u dhaxeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar.

Sida aan wararka ku heleyno ciidanka milatariga Soomaaliya oo aad u hubeesan ayaa xalay galay deegaanka Xawaadley, waxaana halkaasi isaga baxay dagaalyahanadii Al Shabaab ee horey ugu sugnaa.

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in saakay lagu arkayo deegaanka ciidanka milatariga Soomaaliya oo isku fidinaya, waxa ayna dadka ka cabsi qabaa in halkaasi dagaal ka dhaco ay weerar kusoo qaadaan Al Shabaab.

Deegaanka Xawaadley ayaa ah deegaan istaraatiiji ah oo isku xira Jowhar iyo Balcad, waxaana deegaankaan isku xiraa  labada Shabelle, waxa uuna marin muhiim ah u iyo fariisinba sannado u ahaa kooxda Al Shabaab.

Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa wali isku aruursanaya qeybo kamid ah gobolka Shabeelaha Dhaxe, ciidankan ayaana wali bilaabin howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda qeybo kamid ah gobolada dalka gaar ahaan Hiiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -