Boqortooyada Sacuudiga oo taageero 400 oo milyan oo dollar u ballanqaaday Ukraine

Boqortooyada Sacuudiga ayaa taageero gargaar oo ku kacaya malaayiin dollar u ballanqaaday dalka Ukraine, oo wajahaya dhibaato xooggan oo ka dhalatay duullaanka Ruushka ku qaaday.

Wakaaladda wararka ee dowladda Sucuudiga ee SPA ayaa shaacisay in Boqortooyada Sacuudiga u ballanqaaday dowladda Ukraine in ay siineyso 400 oo milyan oo dollar oo gargaar bani’aadannimo .

Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee SPA dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa khadka telefoonka kula xiriiray madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy, waxa uuna kala hadlay arrimo badan oo labada dhinac khuseeya.

Ra’isul Wasaaraha Sacuudiga  ahna dhaxal sugaha Maxamed Bin Salman ayaa muujiyay sida ay dowladiisa diyaarka ugu tahay inay sii waddo dadaallada dhexdhexaadinta iyo taageeridda wax kasta oo gacan ka geysanaya joojinta dagaalka Ukraine.

Boqortooya Sacuudiga ayaa kamid ah dowladaha xiriirka dhaw la leh Ruushka, waxa ayna Sacuudiga dooneysaa in ay ilaashato xiriirka labada dal kala dhaxeeya kana fogaato waxa qabada u keeni kara mustaqbalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -