Dowlada Imaaraadka oo xanibaad ku soo rogtay 13 dal oo ay ku jirto Soomaaliya

Dawlada Imaaraatka Carabta ayaa dalkeeda ka mamnuuccday inay tagaan dadka kasoo jeeda 13 wadan oo ay Soomaaliya ku jirto.

Qoraal kasoo baxay dawlada Imaaraatka oo ay heshay wakaaladda Wararka Reuters ayaa lagu sheegay in dawladu ay dalka ku-galka ka joojisay dadka kasoo jeeda ama wata baasaboorada 13 dal oo dalalka Muslimiinta u badan.

Liiska dalalkaas waxaa ku jira Soomaaliya oo dadka wata baasaboorka Soomaaliya looma ogolaan doono inay helaan dal ku galka Imaaraatka Carabta.

Sidoo kale liiska dalalka laga joojiyay inay dalka Imaaraatka tagaan waxaa ku jira Turkiga, Ciraaq, Libya, Yemen, Kenya, Lubnaan, Pakistan iyo dalal kale.

Lama oga sababta hase ahaatee dadka falanqeeya arrimaha gobolka bariga dhexe ayaa sababta ugu weyn ku sheegay inay jirto cabsi dhanka amaanka ah maadaama dawlada Imaaraatka Carabtu ay dhawaan xiriir diblomaasiyadeed la yeelatay Yuhuuda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -