Wasiirka arrimaha gudaha, federaarla iyo dib u heshiisiinta oo todobaadkan howllo shaqo u joogay dalka Switzerland ayaa maanta waxaa uu la kulmay Filippo Grandi, oo ah madaxa hey’adda qaxootiga adduunka.
Filippo Grandi oo kulanka ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay inuu bogaadinayo dadaallada dowladda federaalka ee xal loogu helayo abaaraha, qaxootiga, barakacayaasha iyo arrimo kale isaga oo ballanqaaday in qorshayaasheeda sida xalka waara uu ka dhigi doonno arrimaha hortabintiisa ah.
Madaxa hey’adda UNHCR Filippo Grandi waxaa kale hooska ka xariiqay in isaga iyo hey’addiisa ay Soomaaliya ku taageeri doonaan meel walba ay joogaan dalka gudahiisa ama dibadabba.
Ugu dambeyntii, Filippo Grandi waxaa uu kulanka ka sheegay inuu booqasho ku iman doono Soomaaliya todobaadka soo socda, uuna kullamo kala duwan Muqdisho kula qaadan doono madaxda dowladda federaalka ah sida madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ra’isul wasaare Xamze Barre iyo wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Axmed Macallim Fiqi.
Dhankiisa, wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi oo kulanka ka hadlay ayaa ka mahadceliyey sida mudane Filippo Grandi uu mar walba u taageero arrimaha Soomaaliya, isaga oo intaa raaciyey in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay sidii xalwaara loo heli lahaa, ayna muhiim tahay in hey’adda iyo guud ahaan caalamka ay ka taageeraan.
Mudane Fiqi waxaa soo dhoweeyey booqashada Filippo Grandi uu Muqdisho ku iman doono todobaadka dambe isaga intaa raaciyey inuu usii gogolxaarayo socdaalkan, kana shaqeynayo in uu noqdo mid mira dhalo, oo diiradda lagu saaro arrimo badan oo muhiim u ah qaranka Soomaaliyeed.
Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa Geneva ujooga ka qeybgalka shirka kalfadhiga 73-aad ee shirka sanadlaha ah ee guddiga fullinta kaas oo maanta lassoo gabagabeeyay, waxaana inta uu joogay uu khudbad dhinacyo badan uu ka jeediyey kalfadhiga isaga oo sidoo kale galay shirar doceedyo uu madax badan kala hadlay arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan qaxootiga, barakacayaasha iyo arrimo kale.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com