Allbanaadir.com
NEWS

Diyaarad ku bur burtay Garoonka Dhoobley iyo Khasaaro dhimasho oo ka dhashay

Wararka ka imaanaya magaalada Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhashay shil diyaaradeed oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Diyaaradan oo ah nuuca xamuulka qaado ee lahaayeen milatariga Kenya ayaa bur burtay xili garoonka diyaaradaha Dhoobley ay ka degeysay, walina lama oga sababta rasmiga ah ee shilkaasi keentay.

Dadka ku dhaqan Dhoobley ayaa sheegay in diyaarada bur burtay uu dab qabsaday markii ay garoonka kusoo dageysay, waxaana shilkaasi bur bur xoogan uu kasoo gaaray diyaaradaha ay lahaayeen Milatariga Kenya.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay shilkaasi diyaaradeed halka sadex kalana ku dhaawacmeen, waxaana milatariga Kenya bilaabeen baaritaano ku aadan sababta shilkaasi dhalisay.

Diyaarado ay leeyihiin milatariga dowlada Kenya ayaa saanado kala duwan u geeya ciidamada Kenya ee howlgalka nabad ilaalinta u jooga qeybo kamid ah gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka oo diyaarinaya mooshin ka dhan ah RW Xamse

Caydiid Ali

Jeneraal Asad Diyaano oo si weyn ugu mahadceliyay dowladda Turkiga

Cabdi Cade

Al Sisi & Macron oo ka wadahadlay heshiiskii Somalia & Itoobiya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---