Xasan Sheekh oo Waali ku tilmaamay Warkii kasoo yeeray Madaxweyne Farmaajo

Golaha midowga musharaxiinta Madaxweynaha ayaa si kulul uga hor yimid qoraalkii uu soo saaray Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Farmaajo uu ku sheegay in Ra’isul Wasaare Rooble ku fashilmay hogaaminta doorashada .

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo warbaahinta la hadlay markii shirka musharaxiinta soo dhamaaday ayaa si kulul uga hor yimid una dhaliilay warkii kasoo yeeray Madaxweyne Farmaajo.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in warka uu ku dhawaaqay Madaxweyne Farmaajo uu yahay waali, waxa uuna cadeeyay in warkaasi uu yahay mid masuuliyad daro ah oon kasoo yeerin qof miir qaba oo masuul ah.

”Cod dheer ayaan umadda Soomaaliyeed ugu sheegeynaa warka Farmaajo xalay ku dhawaaqay waali waaye ,anaga warkaasi waan diidanahay ,waxa uu sheegay sharci ma dugsana , xikmad ma dugsana , dulqaadka dadka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta in loo qaato duyuusnimo sax maahan, Farmaajo dadka caqilooga in dayuus yihiin ayuu qaatay mana laga yeelayo, ” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxwerynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in Farmaajo yahay caqabada ugu weyn ee hortaagan doorasho in dalka ka dhacdo, waxa uuna sheegay in wadada kaliya ee doorashada lagu aadi karo ay tahay mida uu hormuudka u yahay Rooble.

Waxa uu sheegay Xasan Sheekh in ay taageersan yihiin soona dhaweenayaan shirka wadatashiga qaran ee lagu saxayo qaladaadka doorashada iyo sidii doorashada loogu soo celin lahaa wadada saxda ah.

Hadalka kasoo baxay Xasan Sheekh ayaa kusoo aadaya xili Madaxweyne Farmaajo shaaciyay in Ra’isul Wasaare Rooble ku fashilmay hogaaminta doorashada kuna baaqay shirweyne wadatashi ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -