Netanyahu oo ka carooday hadal ka soo yeeray Madaxweynaha Turkiga

Raisal wasaaraha Israa’iil ayaa si caro leh uga jawaabay hadal ka soo yeeray Madaxweynaha Turkiga, kaasoo dalka Israa’iil ku tilmaamay in uu yahay wadanka dunida ugu cunsuriyadda xun, isagoo hogaamiyeyaasha Israa’iil la barbardhigay Hitler.

Netanyahu ayaa Recep Tayyip Erdogan ku eedeeyay inuu xasuuqay Suuriyiinta iyo kurdiyiinta.

Mr Netanyahu ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in Turkiga uu noqday waddan ay ka jirto kaligii talisnimo dahsoon.

Labada wadan ayaa waxaa dhawaanba xiriirkooda ka dhextaagnaa xasarad siyaasadeed, Inkastoo ay mar ahaan jireen xulafo aad isugu dhaw.

Turkiga ayaa xiriirka diblomaasiyadeed u jaray Israa’iil sanadkii 2010 ka dib markii dad u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadana oo u dhashay Turkiga oo saarnaa Markab ay turkiga uu leeyahay ay ku laayeen ciidamada kumaandooska Israa’iil marinka Gaza.

Xiriika labad dal ayaa waxaa dib loo soo celiyay sanaddi 2016-kii, balse sanadkan ayay haddana waxa uu midba midka kale waddankiisa ka soo saaray diblomaasiyiinta bishii may ee sanadkan kadib markii Israa’iil ay marinka Gaza ku leysay shacab falastiiniyiin ah oo ku dibad baxayay xadka Yuhuuda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -