Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Warar iyo xog cusub oo laga helay dagaalo qaraar oo ka dhacay degaanka Yasooman

Ciidamada dawladda oo ay taageerayaan kuwa deegaanka ayaa dib u qabsaday degaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan oo saaka ay weerar culus ku soo qaadeen kooxda Al-shabaab

Yasooman oo qiyaastii 35 km waqooyi bari uga beegan degmada Buulo-Burde ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa saaka muddo kooban la wareegay dagaalyahanada Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa ku bilowday gaadiid xamuul ah oo qaraxyo laga soo buuxiyey kuwaasoo lagu weeraray farsiimo ciidamada huwantu ku lahaayeen degaankaas, ka dib waxaa labada dhinac dhexmaray dagaal faraha looga gubtay.

Al-shabaab oo soo dagaal gellisay boqolaal dagaalyahan ayaa la sheegay iney cagta mariyeen saldhigyadii ciidamada dowlada iyagoo horey u qaatay gaadiid dagaal iyo saanad milateri.

Dawladdu ayaa waxay sheegtay in 50 ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay dagaalka, halka Shabaabkuna sheegeen inay dileen in kabadan 100 askari.

Dayuurado dagaal oo aan la sheegin cida laheyd ayaa la sheegay iney ka qeyb qaateen dagaalka kuwaasoo madaafiic la dhacay goobaha ay ka dagaalamayeen Al-shabaab, waxaana galabta ilaa caawa degan xaalada degaankaas oo ay dib ugu laabteen ciidamada huwanta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gudoomiye Cirro oo ilaaladiisii laga watay iyo xarumo uu lahaa Xisbiga Wadani oo lala wareegay

Cabdi Cade

Madasha Xisbiyada oo eedeeyey Mid ka mid ah dowladaha deriska la ‘ah Somalia (Akhriso)

Caydiid Ali

Hubka loogu deeqo dowlada Soomaaliya oo la ogaaday in lagu iibiyo Suuqyada

Cabdi Cade