Allbanaadir.com
NEWS

Talyaaniga oo Soomaaliya ka taageeraya Dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Hamza Abdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Muqdisho Alberto Vecchi.

Ra’iiusl Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa kulankooda waxa ay uga wada hadaleen xiriirka qotada dheer ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga. Danjire Vacchi ayaa sheegay in dowladdiisa ay garab taagan tahay Xukuumadda iyo shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira kooxda argagixasada ee Alshabaab.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahad celiyay Dowladda Talyaaniga kordhinta taageerada xasillinta goobaha laga xoreeyay kooxda argagixisada iyo gacan ka geysashada gurmadka loo fidinayo dadka ay Abaartu saameysay.

Related posts

Qarax ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse Barre iyo wafdi la socday oo si weyn loogu soo dhaweeyay Nairobi (Sawirro)

Cabdi Cade

Puntland oo kahor timid in Garawe lagu qabto Shirka Madaxweyne Farmaajo caawa iclaamiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---