Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka ka qaaday Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada mid cusubna magacaabay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday guddoomiyihii maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Sareeye Guuto Maxamuud Axmed Xasan (Dalab ).

Wareegtada kasoo baxday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib loogu magacaabay guddoomiyaha maxkamadda sare S/Guuto Liibaan Cali Yarow oo xilkan horey uga qaaday Madaxweyne hore Farmaajo

Wasiirka Gaanshaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu aqbaly soo jeedijtiisa ku aadaneyn in Liibaan Cali Yarow u magacaabo guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida.

“Waxaan u mahadcelinaayaa Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo iga aqbalay soojeedin aan u gudbiyay isaga oo u magacaabay S/Guuto Liibaan Cali Yarow gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xilligaan ahmiyad gaar ah u leh ladagaalanka iyo ciribtirka argagixisada” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.

Gudoomiyaha cusub ee loo magacaabay guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida Liibaan Cali Yarow ayaa sannado badan kusoo dhax jiray maxkamadda ciidamada, waxaana horey loogu xasuustaa shaqooyin badan uu soo qabtay iyo xukuno adag uu riday.

- Advertisement -