Wasiirka A/dibeda oo arrimo Muhiim ah kala hadlay danjire Mehmet Yilmaz (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan dalkeena Soomaaliya Amb. Mehmet Yilmaaz.

Abshir Cumar Jaamac iyo safiirka ayaa la isla soo qaaday arrimo kala duwan oo la xiriira xoojinta xiriirka labada da, iyadoo Turkigu yahay saaxiibka ugu weyn Dowlada Somalia.

“Waxaan maanta kullan kula yeeshay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan dalkeena Soomaaliya Amb. Mehmet Yilmaaz, oo booqasho sharafeed iigu yimid. Waxaan ka wada hadalnay xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada wadan iyo dadaalka wadajirka ah ee lagu sare qaadayo xoojinta dhammaan hababka iskaashi” ayuu yiri wasiirka oo qoraal soo dhigay baraha bulshada.

“Sidoo kale waxaan Safiirka iyo dawladda Turkiga uga mahed celiyay taageerada ay mar walba la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed iyo sida ay uga qayb qaataan tababbarka iyo dib u dhisida ciidanka Soomaaliyeed” ayuu ku daray wasiirka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -