Allbanaadir.com
NEWS

Masuuliyiin xirtay Darees ciidan oo gaaray magaalada Buula-burde (Daawo Sawirro)

Gudoomiye Ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sacdiyo Yaasiin Samatar ay wehliyaan  Wasiirka Batroolka iyo Macdanta C/risaaq Maxamed Cumar iyo Xildhibaan Maxamed Cabdulahi Buraale ayaa gaaray magaalada Buula-burde.

Masuuliyiintan katirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa tagay magaalada Buula-burde dhiirogelinta ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira kooxda Al Shabaab.

Waxaa la filayaa masuuliyiintan in magaalada Buula-burde kula kulmaan Xildhibaano halkaasi horey u joogay , maamulka gobolka Hiiraan iyo sidoo kale saraakiisha hoggaamineysa ciidamada dagaalka kula jira Al Shabaab.

Gobolka Hiiraan deegaano badan oo katirsan ayaa waxaa ka socda howlgalo ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka kula dagaalanayaan kooxda Al Shabaab oo horey u godoomisay magaalada Buula-burde iyo magaalooyin kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo sagootiyay Michael Keating (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Maxaa ka jira wararka sheegaya in Villa Soomaaliya kala qeybisay siyaasiiinta Mucaaradka?

Caydiid Ali

Donald Yamamoto oo gaaray Boosaaso lana kulmay Madaxweyne Deni (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---