Sharoobo lala xiriiriyay dhimashada Carruur badan oo laga digay Isticmaalkeeda

Qaar kamid ah waddamada Afrika ayaa dalalkooda ka manuucay isticmaalka sharoobooyin lala xariiriyay in ay sababeen dhimashada tiro carruur ah, waxaana sii korortay cabsi laga muujinayo isticmaalka sharoobooyinkaasi.

Dowladda Gambia ayaa horey u shaacisay in sharoobooyin ay sameesay shirkad laga leeyahay dalka Hindiya sababeen geerida 69-qof oo u badnaa carruur, kuwaa oo ku sumoobay waxyeelana kala kulmay isticmaalka sharoobooyinkaasi.

Nageria ayaa dhankeeda soo saartay digniin ku socda muwaadiniinteeda oo ku aadan in ay isticmaalaan sharoobooyinka lala xariiriyay halista, waxa ayna dowladda Nageria dalkeeda ka mamnuucday isticmaalka sharoobooyinkaasi.

Waaxda tayo dhowrka dawooyinka iyo cuntada ee dalka Nigeria ayaa shacabka ka codsatay inay iska ilaaliyaan isticmaalka dawadaas, waxa ay waaxdan sheegtay in maadada suntan ah ee laga shakiyay inay ku jirto sharoobooyinka laga shakiyay .

Sharoobooyinkan laga digayo ayaa la sheegay in ay sababaan , calool xanuun, matag, shuban, kaadida uu qofka dhibtoodo, madax xanuun iyo dhaawac soo gaara kelyaha, taasoo horseedi karta dhimasho.

Daawooyinkan laga digay ayaa waxaa kamid ah Promethazine Oral Solution, Kofexmalin Baby Cough Syrup, Makoff Baby Cough Syrup iyo Magrip N Cold Syrup. Shirkadda Maiden waxay ku guuldareysatay inay bixiso damaanad ku saabsan badqabka daawada.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa dunnida uga digtay isticmaalka daawooyinkan, waxa ayna ha’adda ka cabsi qabtaa in sharoobooyinkaasi loo iib geeyay dalal kale oon aheyn Gambia, waxaana jirta cabsi laga qabo in waxyeelo kale sababaan daawooyinkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -