Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Shan ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Puntland (PMPF) oo qarax lagu dilay (Sawirro)

Askar ka tirsan ciiamada gaarka ah ee Puntland ayay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay qarax ka dhacay buuraleyda Galgala ee gobolka bari

Shan askari oo ka tirsan ciidmada PMPF ee Puntland ayaa ku dhintay tiro intaas ka badana waa ku dhaawacmeen, kaddib markii gaari nooca dagaalka ah oo ay la socdeen ay miino kula kacday deegaanka Sugure ee buuraleyda.

Meydadka iyo Askartii ku dhaawacantay weerarkaas oo la gaarsiiyay magaalada Boosaaso ayaa la dhigay goobaha caafimaadka, halkaasoo lagu dabiibayo.

Cid weli sheegatay qaraxan Ma jirto, hase yeeshee buuraleyda Galgala waxaa muddo 10 sano ka badan dagaal ku dhex marayey ciidamada Puntland iyo koox ka tirsan Al-shabaab oo looga bartay qaraxyadan oo kale

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Akhriso :Ra’isul Wasaare Kheyre oo Baarlamaanka u gudbiyay Xeerka Maamul ee Xulida Guddiga Agaasinka Bangiga Dhexe

Cabdi Cade

Weeraro dhaliyay khasaarooyin oo caawa ka dhacay Muqdisho iyo…

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo shir caalami ah kaga qeyb galaya Magaalada..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---