Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Akhriso :Ra’isul Wasaare Kheyre oo Baarlamaanka u gudbiyay Xeerka Maamul ee Xulida Guddiga Agaasinka Bangiga Dhexe

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Xildhibaanada golaha shacabka u gudbiyay Xeerka Maamul ee Xulida Guddiga Agaasinka Bangiga Dhexe oo horey golaha Wasiirada u meel mariyeen.

Xeerkan uu Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya u gudbiyay Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa wax ka bedelaya xeerar horey ugu yaalay sharciga Bangiga Dhaxe, waxa uuna Kheyre ka dalbaday Xildhibaanada in dib u eegis lagu sameeyo qodobada qaar.

Xildhibaanada golaha shacabka hadii ay ansixiyaan xeerkan horey usoo meel mariyeen golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ayaa ogolaan doona in Bangiga Dhaxe ee Soomaaliya madax ka noqdo ruux ajnabi ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

DEG DEG: Fanaanad caan ah oo goor dhow Muqdisho ku geeriyootay

Caydiid Ali

Somaliland oo xirtay xubno ka tirsan qoyska Nimcaan Hilaac & xiisad ka taagan Boorama (Daawo Video)

Caydiid Ali

Xaalad adag oo mar kale soo wajahday buundada degmada Buulo Burde (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---