(Daawo Sawirro) Burburka soo gaaray xeradii Inji ee ay ku jireen Masuuliyiintii Ahlu suna

Burbur xooggan ayaa soo gaaray Xerada Inji ee magaalada Dhuusamareeb oo ay ku dagaalamayeen muddo ka badan 24 saacadood ciidamada ahlu suna iyo kuwa DF.

Madaafiic xoogan oo ku dhacday dhismeyaasha ku yaalla gudaha xerada ayaa sababay burbur xoogan oo soo gaaray derbiyada iyo saqaafka sare ee guryaha iyo hoolalka halkaas ku yaalla.

Waxaa sidoo kale xerada ay deegaan iyo xarun rasmi ah u aheyd madaxda sare ee ahlu sunna oo saaka waaberigii isku dhiibay ciidanka dowladda Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ee ku sugan xerada 21aad ayaa sheegay in madaxda Ahlu-sunna Waljamaaca ay dalbadeen saaka waaberigii in loo ogolaado inay galaan gacanta sargaal katirsan ciidanka dowladda oo markiisii hore ka tirsanaa madaxada ciidanka ahlu suna ka dib markii looga adkaaday dagaalka.

Xaalada magaalada Dhuusamareeb ayaa hadda degan ka dib dagaalo qaraar oo shalay iyo xalay ka dhacay, kuwaasoo haatan u muuqda in lagu kala baxay ugu yaraan 15 qof oo u badan dhinacyadii dagaalamay ayaa ku dhintay halkaas, tiro kale oo badana wey ku dhaawacmeen, kuwaasoo u badan dhinacyada dagaalamay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -