Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kala hadlay Salah Ahmed fulinta Heshiisyo horey loo gaaray (Sawirro)

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa maanta oo Talaado ah ku qaabilay xafiiskiisa , wakiilka Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta ahna Madaxa Ergadada Ururka ee Soomaaliya, Mudane Salah Ahmed Al-Salah Elguneid.

Kulan dhax maray wasiirka wakiilka Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta ayaa looga wada hadlay xoojinta iskaashiga heerarkiisa kala duwan iyo fulinta heeshiisyadii horey uga dhexeeyey Soomaaliya iyo jaamacadda carabta.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ergayga uga warbixiyey howlgallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasiloonida ee ka socda bartamaha iyo koonfurta dalka, iyo ololaha gurmadka loogu gargaarayo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Dowladda Soomaaliya iyo ururka jaamacadda carabta ayaa horey u gaaray heshiisyo kala duwan oo qaarkood la fulin, waxaana xukuumadda Soomaaliya ka shaqeeneysaa fulinta heshiisyadii horey loo gaaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland oo soo bandhigtay xisaab celinta dhaqaalaha ay ka heshay dowlada (Akhriso)

Caydiid Ali

Baarlamanka Somalia oo beri kulan ka yeelanaya Mooshin la xiriira doorashooyinka

Caydiid Ali

Rooble oo shir xasaasi ah la qaatay Guddiga amniga doorashooyinka? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---