Rooble oo shir xasaasi ah la qaatay Guddiga amniga doorashooyinka? (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan xasaasi ah la qaatay Guddiga amniga doorashooyinka oo isugu jira Taliyeyaasha Booliiska heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed, Booliska AMISOM iyo Booliska UNka oo ka taageera dhinacyada farsamada.

Waxaa kulankan looga hadlay u diyaar garowga   Sugida Amniga doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka oo dhowaan ka bilaaban doonta qaar ka mid ah magaalooyinka dalka.

Qodobada diirada lagu saaray kulankan waxaa ka mid ah sidii loo xoojin lahaa amniga, ka gudbida caqabadaha jira iyo sida ugu haboon ee dhinacyadan ay u wada shaqeyn karaan.

Guddiga amniga doorashooyinka ayaa Ra’iisul Wasaaraha warbixin ka siiyey shaqooyinka ay qabteen iyo howlaha horyaala ee ugu horreyso sugidda amniga doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee dhowaan bilaaban doonta.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya S/G Cabdi Xasan Xajaar ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha ay u gudbiyeen lifaaqyo ku aadan baahidooda dhinacyada sugidda amniga, isla markaana ay diyaar u yihiin fulinta howsha loo xil saaray ee ah ammaanka doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad celiyey guddiga amniga doorashooyinka sidii ay uga qeyb qaateen sugidda amniga doorashooyinkii Aqalka Sare.

Rooble ayaa xusuusiyey xubnaha guddiga musuuliyadda culus ee la saaray in ay ka soo dhalaalaan, maadaama wajiga labaad ee doorashadu uu yahay mid ka culus qeybtii hore.

Waxaa uu kula dardaarmay in ay sii wadaan dadaalkooda wadajirka ah ee ku aadan sugidda ammaanka ergooyinka iyo dhinacyada ku howlan hirgelinta doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -