Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Nin Muslim ah oo markii ugu horeesay garsoore sare ka noqday maamulka Israa’iil

Garsoorayaasha maxkamada sare ee Israa’iil waxaa markii ugu horeesay kamid noqday nin Carab Muslim ah, waxaana talaabadan lagu tilmaamay guul usoo hoyatay Carabta Israa’iil gaar ahaan kuwa muslimiinta ah.

Khaled Kabub, ayaa kamid noqday afar garsoore cusub oo loo magacaabay in ay kamid noqdaan maxkamada sare ee Israa’iil, waxaana garsoorahan muslimka ah la sheegay in lagu soo xushay aqoontiisa iyo kartidiisa.

Ninkan waxa uu noqday qofkii ugu horeeyay oo muslim ah oo garsoore sare ka noqda maxkamada sare ee Israa’iil, waxa uuna horey garsoore uga ahaa maxkamado kuyaalla Israa’iil gaar ahaan magaalada Tel Aviv.

Carabta kunool Israa’iil ayaa lagu tilmaamaa 20%, waxaana horey u jiray sharci yaqaanbo Carbeed oo katirsanaa maxkamada sare ee Israa’iil, balse waxaa la sheegay in carabtaasi ahaayeen kuwa aan heesan diinta Islaamka oo krishtaan ah.

Muslimiinta kunool maamulka Israa’iil ayaa ah kuwa aan saameyn badan ku dhax laheyn bulshada Yahuuda ee ku dhax nool yihiin, waxaana inta badan laga ilaaliyaa in xilal sar sare ka qabtaan maamulka Israa’iil.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaabiis laga soo qabtay Al-Shabaab oo ka baxsatay Guri lagu hayey

Caydiid Ali

Bog uu sameystay Axmed Karaash oo wacdaro ka dhigaya Baraha Bulshada

Caydiid Ali

Gudoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo qoraal wadajir ah soo saaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---