Maxay ka wadahadleen Madaxweyne Biden iyo Dhigiisa dalka Kenya? (Sawirro)

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa xalay Aqalka Cad ku qaabilay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo booqanaya Maraykanka.

Waa kulankii ugu horreeyay ee Biden uu si toos ah ula yeesho hoggaamiye African ah tan iyo markii noqday madaxweynaha Mareykanka.

“Iskaashiga istiraatiijiyadeed ee Mareykanka iyo Kenya waa lama huraan,” ayuu yiri Biden, markii labada hoggaamiye ay fadhiisteen Xafiiska Oval.

“Labadeenuba, waxaan aaminsanahay inay muhiim tahay wax ka qabashada caqabadaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah,” ayuu yir Biden.

Kulanka kadib, Aqalka Cad ayaa sheegay in labada hoggaamiye ay ka wada hadleen ballanqaadkooda wadaagga ah ee ku aaddan difaaca dimuqraadiyadda, xuquuqda aadanaha, horumarinta nabadda iyo amniga gobolka, iyo dardargelinta barwaaqada dhaqaale.

Aqalka Cad ayaa sidoo kale ku sheegay bayaankan, in labada madaxweyne ay hoosta ka xarriiqeen baahida loo qabo in la helo hufnaan iyo isla xisaabtan dheeraad ah oo ku aaddan nidaamka maaliyadeed ee gudaha iyo kuwa caalamiga ah iyo in la hormariyo go’aannada nabadeed ee colaadaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -