Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Faahfaahin: Weerar Khasaare geystay oo ka dhacay Saldhiga Booliska Burtinle

Faahfaahino ayaa ka soo baxaya weerar maanta saldhiga Booliska Maaalada Burtinle ee Gobolka Nugaal ku qaadeen  maleeshiyo Beeleed hubeysan, halkaasoo uu ka dhacay iska horimaad muddo kooban socday.

Iska horimaadka ayaa sababay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Maleeshiyada weerartay saldhiga Burtinle ayaa la sheegay ay diidanaayeen in Xabsiga Magaalada Garoowe loo gudbiyo dhalinyaro ku heyb ah oo Maxkamadda Magaalada burtinle xukun ku riday.

Askari oo ka tirsanaa Booliiska Puntland oo lagu magacaabi jiray Maxamed Badgal Ciise ayaa ku dhintay. mid kalena waa ku dhaawacmay iska horimaadka ka dhacay Saldhiga degmada Buurtinle

Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka ee Maamulka Puntland ayaan weli ka hadlin dhacdadaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DEG DEG: Heyadda NISA oo shaacisay in la dilay Ikraan Tahliil Faarax

Caydiid Ali

Madaxweyne Qoor Qoor iyo Wafdi la socda oo Hobyo u tagay arrin muhiim ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Dalkee Ayuu Daacad u yahay Madaxweyne Farmaajo Somalia iyo Mareykanka (Akhriso Xaqiiqada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---