Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo fariin cad u dirtay Beesha Caalamka sidoo kale hor dhigtay Shuruudo adag

Kulan ay maanta yeesheen golaha wasiirrada  Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, , ayaa maanta lagaga dooday laguna ansixiyey xeerar kala duwan.

Golaha wasiirradu waxay dood dheer ka dib ansixiyeen siyaasadda qaran ee maalgashiga, sidoo kale waxa golaha loo qaybiyey nuqullada qabyo qoraalka xeerka maalgashiga, waxaana golaha sharaxaad ka siiyey wasiirka wasaaradda horumarinta maalgashiga iyo garyaqaanka guud ee qaranka.

Dhinaca kale, waxa golaha wasiirrada  Somaliland, waxay mar kale ku celilyeen go’aanka  Somaliland ee xidhiidhka wada shaqayneed ee dalalka caalamka iyo hay’aduhu inuu yahay in beesha caalamku ay Somaliland ula dhaqanto dal madax-bannaan oo aan qayb ka ahayn Soomaaliya, sidaa awgeed, waa in Safiirrada iyo ergooyinka ka socda waddamada caalamka, madaxda ururrada caalamiga ah iyo hay’adaha ka hawlgala gudaha Somaliland ay dhawraan Qarannimada Somaliland kuna shaqeeyaan xeerarka iyo qawaaniinta Somaliland, waana in aanay ku xadgudbin xuduudaha dhuleed, cireed iyo baddeed ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhammaan qoraalada (documents) mashaariicaha ay hay’aduhu ka fulinayaan Somaliland waa in ay u isticmaalaan magaca, khariiradda, astaanta iyo calanka Somaliland leedahay ee gaarka u ah, waxa reebban inaan Somaliland laga fulin Karin mashaariic aan heshiiskooda lala gelin Somaliland, sidoo kale cidna ma fulin karto mashaariic aan oggolaanshahooda laga haysan hay’adda dawladdeed ee ay khusayso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweeney ka tirsaneyd Maamul degmo oo la dilay & amniga Muqdisho oo sii xumaanaya

Caydiid Ali

Sababtii Farmaajo isaga celiyay Dhalashada Mareykanka oo la ogaaday (Xog cusub)

Cabdi Cade

Kumanaan Qaxooti ka cararaya dirirta ka socota Itoobya oo ku qulqulaya..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---