Muxuu Shiikh Aadan Madoobe kala hadlay danjire Kate Foster? (Daawo Sawirro)

Guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Sheekh Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay danjiraha Dalka Ingiriiska Marwo Kate Foster.

Danjiraha Dowladda Ingriiska ayaa Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed uga tacsiyaysay geerida taliyihii Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir Marxmuum Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole) iyo Nabadoon Cilmi Xagar Guure, oo ku shahiiday dagaalka la gula jiro Kooxda aragagaxisa Al Shabaab, iyadoo soo hadal qaaday taageerada golaha Shacabka BJFS, Amb.

Kate Foster ayaa sheegtay in dowladda Ingiriiska ay taageereyso dadka ku wax yeeloobay abaaraha ka jira qaar ka mida ah gobolada dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka  Sheekh Aadan Madoobe ayaa boggaadiyay taageerada Dowladda Ingriiska ay la garab taagan tahay Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed Isla markaana ay sii laba jibaaraan dadaalada lagu horumarinaayo amniga, dhaqaalaha, iyo taageerada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -