Allbanaadir.com
NEWS

DFS oo Qaramada Midoobay la wadaagtay Daan daansi iyo dulmi ay wado Itoobiya

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cusmaan oo khudbad muhiim ah ka jeediyay kulanka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uyuu kaga hadlay dhaqdhaqaaqyada daandaansiga ah oo ku aaddan hawlaha ciidan ee Itoobiya ay ka waddo xudduudaha Soomaaliya.

Danjire Abuukar Baalle ayaa iftiimiyey arrimaha xasaasiga ah ee ka dhashay faragelintanta Ethiopia, taas oo khilaafsan dhaqanka dowladnimada iyo xeerrarka caalamiga ah, isagoo carrabka ku adkeeyay baahida muhiimka ah ee loo qabo in golaha ammaanku ogaado dhaqamada sharci darrada ah ee Ethiopia ka wado bariga Afrika.

Waxa uu sheegay in muhiimadda weyn ee ay leedahay ilaalinta xasilloonida gobolka iyo doorka ay Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrikaba ka ciyaaraan dadaallada ka hortagga colaadaha, taasoo Ethiopia cadaadis ku saaraysa inay ixtiraamto mabaadi’da caamka ah ee midowga Afrika ku dhusanyahay.

Dowladda Soomaaliya waxay hore u soo saartay bayaan rasmi ah oo ay ku cambaareyneyso wax ay ku tilmaantay gardarro cad oo Ethiopia ku soo haweysatay qayb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Ciro oo booqday Dekedda  𝐃𝐞𝐢𝐫𝐚 𝐀𝐥 𝐗𝐚𝐦𝐫𝐚 (Sawirro)

Caydiid Ali

Villa Somalia oo War ka soo saartay Bayaankii ka soo baxay shirkii IGAD (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxkamada G/Banaadir oo sheegtay in laga laabtay dacwadii musuqa ee loo heystay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---