Imaaraadka iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiisyo ku kacaya $50.7 bilyan

Dalalka Turgiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa kala saxiixday heshiisyo ku kacaya $50.7 bilyan ayada oo madaxweyne Erdogan uu soo geba-gebeeyey safar uu ku maray saddex dal oo ku yaalla Khaliijka.

“Maanta waxaan goobjoog noqonay saxiixyada dhowr heshiis oo istaraatijiyadeed iyo is-faham oo ku kacaya lacag dhan $50.7 bilyan si loo sii xoojiyo xiriirka Imaaraadka iyo Turkey,” Waxaa sidaas Arbacadii Twitter kusoo qoray wasiirka maaliyadda Turkey Mehmet Simsek.

Heshiisyada waxaa ka mid ah maalgashiga dhoofinta, tamarta, difaaca iyo qaybo kale.

Madaxweyne Erdogan ayaa booqasho ku tagay Sacuudiga, Qatar iyo Imaaraadka Talaadadii iyo Arbacadii, isaga oo fursado ganacsi iyo maalgashi u raadinaya dhaqaalaha liicaya ee Turkey.

Sicir-bararka Turkey ayaa bishii tagtay ahaa 38%, taasi oo ka yar heerkii October ee 85%, halka nusqaanka miisaaniyadda dowladda uu gaaray $8.37 bilyan bishii June, taasi oo toddoba jeer ka badan heerkii uu ahaa sanad ka hor.

Ankara ayaa dib u hagaajisay xiriirka Riyadh iyo Abu Dhabi labadii sano ee tegay kadib khilaaf 10 sano ka badan kala dhaxeeyey dalalkan Carbeed.

Timothy Ash, oo ah fallanqeeye suuqyada soo koraya oo ka tirsan shirkadda BlueBay Asset Management ee London, ayaa sheegay in heshiisyadu ay ka dhigan yihiin “xiriir cusub oo istaraatiijiyadeed oo u dhexeeya Turkiga iyo dalalka Khaliijka.”

Isaga oo ku qeexaya “guul dhab ah oo ay gaareen Erdogan iyo kooxdiisa,” Ash ayaa sheegay in ballan-qaadyada kale ee noocan ah ee ay ka heshay Sacuudi Carabiya, Qatar iyo Kuwait, ay caawin karaan Ankara xilli billowday dib u habeyn dhaqaale.

Source Voa

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -