Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Gen. Biixi oo ka hadlay sababaha ciidanku uga baxeen degaano ka tirsan Hiiraan

Taliyaha ciidanka Dhulka Generaal  Maxamed Tahliil Biixi oo aay wehliyaan guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan taliyaha qeybta 27-ee CXD Gen. Tawane Axmed Maxamed Odayaasha dhaqanka iyo saraakiil ciidaan ayaa booqday furimaha dagaalka oo ay ku sugan yihiin ciidamada dib u xoreynta degaanka iyo kuwa xoogga dalka.

Generaal Biixi iyo masuuliyiinta la socday ayaa dhiirra gelin u sameeyay ciidanka dib-u-xoreynta deegaanka ee howlgalka ka dhanka ah AS ka wada gobolka Hiiraan.

Taliyaha oo la hadlay ciidanka Huwanta ah ayaa ku guubaabiyay  inay howlaglka sii laba jibaaraan.

Taliyaha ciidanka Dulka Generaal  Maxamed Tahliil Biixi ayaa ku amaanay ciidanka dib-u-xoreynta iyo ciidanka qalabka sida howlglka aay wadaan taliyaha ayaa xusay in dagaalka xoreynta ah ee ree Hiiraan wadaan tusaale u yahay soomaaliya  oo dhan, waxuuna ballan qaaday in dowladda dhexe dadka reer hiiraan ku garab istaagi doonto taageero ciidan dhaqaale iyo cafimaad si aay deegaankooda uga saraan Al shabaab.

Ciidanka is garabsanaya ayuu sheegay in saacadaha soo aadan ay dib ugu laaban doonaan degmada Moqokori iyo deegaanka Yasooman oo uu sheegay in xeelad ciidan saaka looga soo baxay.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa digniin adag u diray shaqsiyaad xagal daacin ku haaya howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab ee Hiiraan ka socda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faransiiska oo loogu baaqay inuu wax ka qabto cunsuriyadda ay ku kacaan ciidamadiisa boolisku

Cabdi Cade

Tirada dadka ku dhintay weerar shalay Israil ku qaaday Lubnaan oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Xassan Sheekh iyo Shariif, waxey iyagu dhisiddiisa ka baaqsadeen ayey maanta u baahanyihiin.

Cabdi Cade
Taboola Ads ---