Xassan Sheekh iyo Shariif, waxey iyagu dhisiddiisa ka baaqsadeen ayey maanta u baahanyihiin.

Madaxweyneyaashii hore ee Soomaalia  Shariif Sheekh Axmed iyo Xassan Sheekh Maxamuud, dhibka iyo dhaliisha ay maalin walba ka dhawaajinayaan waa tacaalo ay gacmahooda horay ugu tosheen.

Intaadan xanaaqin isna xiiqin, ama aadan ku farxinoo faaleyn, bal sadarada hoose sii raac.

Dhibaato kasto oo loo geysto Madaxweyne Xassan iyo Shariif, waa dhiilo ay iyaga ka hortageeda ka baaqsadeen xilligoodi, sababta oo ah, kama jirto dalka Maxkamad sare oo ay kaga dacwoon karaan cabashadooda taasoo ka madax banaan maamulka hadda jira.

Dhisidda maxkamad dastuuri ah oo uu dalka yeesho dadkana u dhaxeysa waxay aheyd waajib saarnaa madaxdaas inay dhisaan intii ay xilka hayeen, lkn nasiib darro, mid weliba isagoo fiirsanaya danahiisa gaarka ah ayuu ka cajisay hirgelinteeda.

Maxakamadda dastuuriga ah ee dalka oo dhan u dhaxeysa, waa marjaca ummad u laaban karto marka ay maamul iyo mucaarad is qabtaan. Haddaysan ka jirinna dalkaas fowdo, caddaalad darr, iyo awood sheegasho kama dhamaato.

Sharciga iyo dastuurka ay leeyihiin waa lagu kala baxayaana waa midka ay iyaga ka gaabiyeen dhisiddiisa iyo dhameystirkiisa.

Haddii madaxda maanta ay kula kacaan falal aysan ku farxeyn, waa ficilo ka hortagooda ay iyaga horay uga gaabiyeen. Waxaan la gudboon inay gareystaan tacaashii ay ka tageen inaysan cabasho iyo cagajugleyn daawo u noqoneyn.

Si la mid ah kuwa maanta jooga, haddaysan dalka gaarsin meel caddaalad ka jirto oo dadka lagu kalo garsooro iyaga iyo dhashooda danbe ayey dhibaato kale u noqon doontaa, mana ahan wax fog in markooda xayiraad lagu rogo.

W/Q. Abdinasir Haji Ahmed

Email: Safaanahaji@gmail.com

- Advertisement -