Xassan Shiikh: “Marxuum Nabaddoon Cilmi Hagar waxa uu lahaa labo himilo oo waaweyn”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Hiiraan iyo guud ahaan Hirshabeelle, geerida ku timid Nabaddoon Cilmi Hagar Guure oo ka mid ah halgameyaasha Soomaaliyeed ee u shahiiday dalkooda iyo dadkooda.

Madaxweynaha ayaa xusay in sida uu uga dhabeeyey Nabaddoon Cilmi halgankiisa iyo oraahdiisii ahayd in uu dalka ka xoreeynayo Al-shabaab ama uu shahiidayo isagoo dagaal kula jira Kooxdaas ay muujinayso in waxgaradka, Ciidamada Qalabka Sida iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ay maanta ka go’an tahay xoreynta dalka.

“Nabaddoon Cilmi Hagar waxa uu lahaa labo himilo oo aad u weyn, labadiiba waa ku guuleystay. In uu deegaankiisa ka xoreeyo argagixisada iyo in uu u shahiido isagoo dalkiisa ka difaacaya argagixisadan khawaarijta ah. Waxa uu tusaale u yahay sida halgankani uu uga dhab yahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan Kumanaan la mid ah Nabaddoon Cilmi, kuwaas oo hadda u wada taagan in ay dalka ka sifeeyaan argagixisada sida uu yiri, deegaan kastana kaga kici doonaan, iyagoo isu abaabulay joojinta gumaadka iyo addoonsiga ay ku hayaan al-shbaab dadkeenna la dhibaataysan abaaraha iyo saboolnimada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -