Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo arrimo muhiim ah kala hadlay Paul Simkin iyo xubno la socday (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xarunta Aqalka Dowladda Hoose ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay madaxa barnaamijka horumarinta dowladaha hoose ee UN-JPLG Mr. Paul Simkin.

Kulankaan ayaa loogu wada hadlay xoojinta barnaamijyada la xariira taageerada uu UN-JPLG siiyo dowlada hoose ee Muqdisho dhinacyada casriyeenta maaliyadda iyo kordhinta dakhliyada, daadajinta adeegayada bulshada, maamul wanaaga iyo isla xisaabtanka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaana warbixin dheer ka siiyay Mr. Paul Simkin waxyaabaha u qorsheesan maamulkiisa iyo sidoo kale taageerada ay ka doonayaan barnaamijka horumarinta dowladaha hoose ee UN-ka.

Duqa Muqdisho ayaa wada kulamo kala duwan uu la qaadanayo hay’adaha kala duwan ee ka howlgala dalka gaar ahaan kuwa taageera maamulka gobolka Banaadir, kuwaa uu kala hadlayay arrimo la xariira horumarinta caasimadda iyo hirgalinta mashaariic .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka dowladda oo gubay gaadiid dagaal oo wateen Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo magacaabay guddoonka Maxkamadda sare iyo Garsoorayaal (Wareegto)

Cabdi Cade

Jabhada TPLF oo shuruud adag ku xirtay in hubka dhigaan farriina u dirtay dowladda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---