Mareykanka oo Qirtay in Duqeymo ay ka fuliyeen dalal Soomaaliya ku jirto Shacab lagu dhibaateeyay

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa duqeymo ay siyaabo kala duwan uga fuliyeen dalal ay Soomaaliya ku jirto ku waxyeeleeyay dad shacab ah, waxa ayna Mareykanka qirteen in duqeymaha ay fuliyeen qaarkood shacab dhimasho iyo dhaawac kasoo gaareen.

Warbixin kasoo baxday waaxda difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa lagu qiray in diyaaradaha dagaalka duqeymo ay ka fuliyeen dalka Afganistan lagu dilay dad shacab ah, halka tiro kalana lagu dhaawacay.

“Waaxda Difaaca waxay qiimeysay in ku dhawaad 12 qof oo rayid ah lagu dilay laguna dhaawacay ku dhawaad 5 qof oo rayid ah intii lagu guda jiray 2021-ka, taasoo ka dhalatay howlgallada ciidamada Mareykanka ka fuliyeen Afganistan,;; ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Pentagon-ka .

Dadkan Mareykanka qirteen in dhimashadooda masuulka ka ahaayeen ayaa waxaa ku jira toban xubnood oo isku qoys ahaa, dadkan ayaana lagu duqeeyay  magaalada Kabul xilli ciidamada Mareykanka kasii baxayeen Afganistan sanndkii 2021-ka.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda difaaca Mareykanka ayey sidoo kale ku qirteen in ay ka dambeeyeen duqeyn 1-dii Janaayo ee sannadkan ay ku dhaawaceen saddex qof oo rayid Soomaali ah, duqeyntan ayaana ka dhacday deegaanka Kuunyo Barrow ee Sh. Hoose.

Mareykanka ayaa horey duqeymo badan uu Soomaaliya ka fuliyay ku dilay dad shacab ah, kuwaa oon eheladooda aan la siin wax magdhaw ah, waxaana duqeymaha Mareykanka fuliyaan mararka qaar waxyeelo xooggan kasoo gaartaa dad shacab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -