Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Adis Ababa iyo Abiy oo soo dhaweeyay (Sawirro)

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhaw gaaray magaalada Adis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed iyo xubno la socda ayaa madaxweyne Xasan Sheekh si weyn ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Adis Ababa, waxaana madaxweynaha iyo wafdigiisa loo galbiyay xarunta madaxtooyada Itoobiya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan xasaasi ah la qaadan doona Ra’isul Wasaare Abiy Axmed, labada masuul ayaana kawada hadli doona xoojinta xariirka labada dal, arrimaha amniga iyo arrimo kale oo labada dal quseeya.

Safarka madaxweyne Xasan Sheekh ku tagay magaalada Adis Ababa ayaa noqonaya kii ugu horeeyay uu dalkaasi ku tago, waxaana safarkan uu imaanaya xilli uu mugdi galay xiriirkii ka dhaxeeyay dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay nin Al-shabaab u qabanayey shaqo culus (Sawirro)

Caydiid Ali

Goob ay dad Muslimiin ah ku cibaadeesanayeen oo la duqeeyay iyo dad badan oo dhintay

Cabdi Cade

Kulan Muqdisho uga socda Ra’isul Wasaare Rooble iyo Gudoomiyaha aqalka sare

Cabdi Cade
Taboola Ads ---