Shacab ku dabaaldegay Taalada dajirka Dahsoon & duqa Muqdisho oo ka qeyb galay (Sawirro)

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Md. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa boqolaal shacab ah kula hadlay Taalada Daljirka Dahsoon ee Degmada Boondheere xilli halkaasi ay ka socotay dabaal-daga farxada Ciidul Fitriga.

Waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay farxada ciida asigoona kula dar-daarmay in laga wada shaqeeyo midnimada iyo wada jirka. Sanadkaan kan xigana uu eebe ugu baryay in ay ku gaaraan Nabad, Horumar iyo Barwaaqo.

“Waxaan maanta la Ciidey Shacabka oo aan kala qeybgalay dabaaldega Ciidul Fitriga iyadoo dhalinyarada iyo carruurta aad ugu faraxsanaayeen horumarka Caasimada Muqdisho”  ayuu yiri Gudoomiye Yariisow.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -