Dahab laga dhaxlay boqor caan ah oo qaab xirfadeysan looga xaday Madxaf (Daawo Sawirro)

Booliiska magaalada Hyderabad ee koonfurta dalka Hindiya ayaa billaabay baaritaan ay ku samaynayaan xatooyo loo gaystay baaquli dahab ka samaysan oo dheeman lagu xardhay kaas oo ay lahayd boqrtooyo hore.

Tuugada ayaa sidoo kale xaday koobka shaaha lagu cabo oo dahab ah, saysar, qaaddo iyo waxyaabo kale.

Alaabadan ayaa culayskooda lagu sheegay 3kg, waxaana lagu qiimeeyay 7 milyan oo doolar.

Waxaa iska lahaa Osman Ali Khan oo ahaa boqorkii u dambeeyay ee Nizam ee magaalada Hyderabad oo mar ahaa ninka u taajirsan adduunka oo dhan.

Xatooyada ayaa la ogaaday Isniintii, booliiska ayaase ka shakisan in ay dhacday habeenkii ka sii horreeyay.

Alaabadan qaaliga ah ayaa laga saaray goobtii ay surnaayeen ee dhismaha Nizam oo hadda matxaf ah.

Booliiska ayaa sheegay inay xatooyadan u dambaysay uga shakisan yihiin labo ruux iney ku lug lahaayeen.

Wargeyska Hindustan Times ayaa ku warramay in booliisku ay shegeen in tuugadu ay markii hore damisay kaameerooyinkii ammaanka loogu talagalay ee CCTV loo yaqaanno, sidaas daraadeedna aan la haynin muuqaal laga duubay dhacdadaas.

Waxay intaas ku dareen in daaqadii dhalada ahayd qalab lagu jaray si looga baaqsado in alaabada qaaliga ah waxyeelo gaarto.

Alaabo kale oo ay lahayd isla boqortooyadan ayaa madxaf kale laga xaday 10 sano ka hor.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -