DF oo War ka soo saartay howlgaladii ka dhacay gobolada dalka qaarkood (Akhriso)

Wasaarada warfaafinta Soomaaliya ayaa caawa soo saartay War-saxaafadeed ku saabsan howlgaladii maanta ka dhacay gobolada dalka qaarkood ee Al-shabaab looga saaray degaano badan iyo khasaaraha ka dhashay

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA
——————————
WAR-SAXAAFADEED

Ciidanka Qaranka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa howlgaladii ugu dambeeyay ku dilay 30 ka tirsan argagixisada Al-Shabaab, waxaana laga xoreeyey ku dhowaad 15 deegaan

Hawlgalo saf balaaran ah oo lagu ciribtirayo maleeshiyada Al-shabaab ayaa ciidamada xoogga oo garabsanaya xaq dirirka shacabka ee ka kacdoomay falalka arxan darrada ah ee argagixisada waxa ay ka sameeyeen gobalada Galgaduud, Hiiraan iyo Baay.

Hawlgalka Galgaduud: Ciidanka iyo dadka deegaanka ayaa hawlgal qorsheysan kula wareegay deegaanada 1 Ceel la helay 2 Labi-dulle 3 Dhuumoodle, 4 Dhisaqa, 5 Abooreey, 6 Cali wayd  7  Maygaag duub.

Khawaarijta Alshabaab ayaa isku dayay weerar rogaal celin ah in ay ku soo qaadaan dhinaca ciidanka ka dhaqaaqay deegaanka Cadakabir oo gacanta ku dhigay in ka badan 70km waxaase ay kala kulmeen jab xooggan waxaana dagaalka looga dilay 30 ka tirsan argagixisada, waxaana lagu dhaawacay in ka badan 55 maleeshiyaadka Naf lacaariga ah.

Gobalka Hiiraan Ciidanka Qaranka iyo Dadka Deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay magaalada Muqakori oo ah magaalo istaraatiiji ah.

Sidookale gobolka Baay Ciidanka oo gacan ka helaya dadkooda ayaa la wareegay deegaano dhowr ah

Hawlgalka Ciidanka Qaranka iyo Dadka Deegaanka gobolada dalka oo saf ballaaran ah ayaa sii xoogeystay waxaana saldhig u ah kacdoonka shacabka iyo dowladooda si looga adkaado burcadda dhiig miiratada ah ee Alshabaab.

Dowladda Soomaaliya waxa ay u sheegaysaa dhalinyarada ay qaldaneen nabad diidka in ay  isi soo dhiibaan xilli si ay naftooda u badbaadsadaan kacdoonka lagu ciribtirayo argagixisada Al-shabàab.

-DHAMMAAD-

- Advertisement -