Dayuuradaha casriga ah ee Turkiga oo ku biiray howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Federaalka Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in diyaaradaha casriga ah ee Dowladda Turkiga ay ku biireen howlgalka ka socda gobolada dhexe ee dalka ee looga horjeedo Al-shabaab

Fiqi ayaa sheegay in haatan ay garab istaag ka heleen Turkiga oo ciidamo kala duwan u tababara dowladda Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dayuuradaha Droneska casriga ah ee uu lagu farsameeyo Turkiga ah (Beyraktar TB-2) ay ka qeyb qaadanayaan dagaalka ka socda gobolada dhexe.

“dayuuradaha dagaalka Turkiga ayaa bilaabay iney hawada ka caawiyaan ciidamada Xoogga dalka ee howlgallada ka wada koonfurta iyo bartamaha dalka” ayuu yiri wasirka oo intaas ku daray in Turkigu yahay dalkii labaad ee taageero siiya ciidamada xoogga dalka, marka laga yimaado Mareykanka oo horey duqeymo ugu caawin jiray.

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Federaalka Axmed Macallin Fiqi ayaa ka hadlay sababta keentay iney soo kordhaan dalalka dhinaca cirka ka taageeraya weerarada lagu hayo Al-Shabaab.

“Markii la arkay in Dadka Soomaaliyeed iska celin karaan argagaxisada waxaa garab istaag u muujiyay dowlado uu Mareykanku ugu horreeyo oo cadowga ku duqeynaya marka uu meel isugu tago, nasiib wanaag haatan Turkiga ayaa kusoo biiray” ayuu yiri wasiir Axmed Macalin Fiqi.

Wasiirka ayaa dhinaca kale xusay inay jiraan kooxo ka soo horjeeday horumarada laga gaaray howlgallada socda kuwaasoo uu sheegay iney dano gaar ah ka leeyihiin sii jiritaanka argagixisada sida uu yiri.

“Nama niyad jebin doonaan ficilada kooxahaas waana sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada iyo gulufka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab” ayuu yiri wasiirka

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -