Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Donald Trump iyo saddex kamid ah Carruurtiisa oo Dacwad xasaasi ah lagu soo oogay

Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa xaalad kale oo adag wajahaya, waxaana isaga iyo saddex kamid ah carruurtiisa  lagu soo oogay dacwad salka ku heysa qiyaano iyo wax isdaba marin ay sameeyeen .

Baaritaano ay Trump iyo carruurtiisa ku sameeyeen xeer ilaalinta magaalada New Yourk ayaa lagu ogaaday inay ka been sheegeen qiimaha guri ay leeyihiin si ay u helaan deymo ayna u bixiyaan canshuur yar, sidoo kale ku kaceen wax isdaba marin.

Donald Trump, carruurtiisa iyo xubno kale oo la shaqeesta ayaa la sheegay in ay ku kaceen falal badan oo wax is daba marin ah intii u dhaxeysay 2011 iyo 2021, waxaana xubnahan in muddo ah ku socday baaritaano la xariira dacwada hadda lagu soo oogay.

Dacwaddan ayaa waxaa soo gudbisay Xeer Ilaaliyaha Guud ee New York Letitia James, oo ah qareenka ugu sarreeya ee gobolkaas, kaddib saddex sano oo ay baaritaan sameyneysay.

“Isagoo caawinaad ka helaya carruurtiisa iyo xubnaha sare ee Ururka Trump, Donald Trump wuxuu si been abuur ah u kordhiyay dakhligiisa oo uu ku daray balaayiin doollar si uu si aan caddaalad ahayn isaga dhigo taajir una khiyaamo hannaanka,” ayey tiri Ms James

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donlad Trump ayaa beeniyay dacwadaha lagu soo oogay iyo eedaha loo soo jeediyay, waxa uuna tilmaamay in arrintan tahay duullaan kale oo siyaasadeed oo lagu soo qaaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirar Xasaasi ah oo looga hadlayo xayiraadii safarka Sheekh Shariif oo Muqdisho ka socda

Cabdi Cade

Daawo:-Shirkii Dhuusamareeb 3 oo Fashil ku dhow & Wararkii ugu danbeeyay Ciidamo badan oo lageeyay Gedo & Ceel-buur!!

admin

Mareykanka & M/Yurub oo bogaadin u jeediyey Galmudug, Hirshabelle iyo Rooble

Caydiid Ali
Taboola Ads ---