Mareykanka oo Soomaaliya ugu deeqay $150 Malyan iyo Dowladda oo ka mahadcelisay

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Gurmadka Abaaraha ayaa deeq-bixiyaasha caalamka ku boorriyey in ay degdeg uga jawaabaan gurmadka abaaraha Soomaaliya ee ku sii socda heerka macluusha, isagoo hoosta ka xariiqay in Soomaaliya lagu gacan siiyo sidii ay khayraadkeeda uga faa’iidaysan lahayd, taasoo xal u ah soo noqnoqadka abaaraha.

Shirka oo looga hadlayey ka jawaabista abaaraha Geeska Afrika ayaa waxaa wadajir u soo qaban-qaabiyey dawaladda Talyaaniga, Maraykanka, Ingiriiska, Qatar iyo Qaramada Midoobay, iyadoo ay ka soo qayb-galeen in ka badan 30 dawladood, Ururka Islaamka, Jaamcadda Carabta, Midowga Afrika iyo hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwo Gargaarka Caalamiga ah.

Shirka waxaa qayb ka ahaa Madaxa USAID Ms. Samantha Power, Wasiirka horumarinta Caalamiga ah ee dawladda Ingiriiska Rt. Hon. Vicky Ford, Wasiir ku xigeenka arrimaha Dibadda Talyaaniga, E. Ms. Marina Sereni, Ku xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Abdiaziz Al-khulayfi.

Sidoo kale waxaa shirka ka soo qeyb galay Ku xigeenka xogyaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Gargaarka Bani’aadannimada iyo gurmadka degdegga ah, Martin Griffiths iyo Madaxda Hay’adaha Oxform, ICRC, WFP, IOM iyo IRC, halka uu xiriiriye ka ahaa Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Ingiriiska David Miliban.

Ugu danbayn Ergayga ayaa u mahad-celiyey dawladihii deeqda yaboohay, gaar ahaan dawladda Maraykanka oo ku deeqday $150 Malyan oo deeq hor leh ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -