Mareykanka & M/Yurub oo bogaadin u jeediyey Galmudug, Hirshabelle iyo Rooble

Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa ammaantay madaxweynayaasha maamul goboleedyada Galmudug iyo HirShabelle inay kasoo horjeesteen muddo korodhsiga, ayna ku taageerene heshiiskii 17-kii September.

Maamul goboleedyada HirShabeelle iyo Galmudug ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan wax muddo kordhin ah oo loo sameeyo hay’adaha dowladda federaalka.

Qoraal ay si wadajir ah usoo saareen labada maamul ayey ku yiraahdeen “Waxaan isla qaadanay In ay dalka si deg deg ah uga dhacdo doorasho meeshana laga saaro nuuckasta oo ah muddo kordhin.

Fariin lagu qoray barta twitter-ka ee safaaradda Maraykanka ayaa loogu baaqay madaxweyne Farmaajo inuu aqbalo jidka cad ee wada-hadalka iyo nabadda, sida lagu sheegay farriintaas.

Dhinaca kale Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa isna farriin uu ku qoray bartiisa twitter-ka waxa uu ku ammaanay dhiirranaanta ay muujiyeen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Maamullada ee ku saabsna in doorasho wadar oggol ah ay waddanka ka dhacdo.

Berlanga ayaa sheegay in gacan ka hadal aysan meel uga bannaanayn Soomaaliya, jidka keliya ee bannaana uu yahay wadahadal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -