Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo War kasoo saaray weerar ay ku dileen xubno badan oo katirsan Al Shabaab

Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka oo taageeraya ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka , ayaa weerar dhinaca cirka ah ka fuliyay deegaan dhaca duleedka degmada Buulo Burte ee gobolka Hiiraan.

War kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa lagu sheegay in duqeyn ay ka fuliyeen 18-kii bishan duleedka Buulo Burte ay ku dileen xubno badan oo katirsanaa dagaalyahanada Al Shabaab.

Taliska Africom ayaa sheegay in duqeynta diyaaradahooda fuliyeen lagu dilay 27-xubnood oo katirsanaa dagaalyahanada Al Shabaab, waxa ayna sheegeen in duqeynta aysan waxyeelo kasoo gaarin dad shacab ah.

“Qiimeynta hordhaca ah ee taliska ayaa lagu sheegay in duqaynta lagu dilay 27 ka tirsan argagixisada Al Shabaab, isla-markaana aysan jirin waxyeelo ka soo gaartay dadka rayidka ah.” ayaa lagu yiri qoraalka AFrikom.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in ay sii wadayaan duqeymaha ka dhanka ah kooxda Al Shabaab iyo taageerada ay siinayaan ciidanka dowladda, taliska ayaana sheegay in ay fasax u heestaan fulinta weerarada ka dhanka ah Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Shiikh: “Waxaan gaarnay heer dadkeennu ka doodayaan Al-Shabaab kaddib Maxaa xiga”

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Rooble oo Amar siiyay Golaha Wasiirada iyo Hay’addaha dowlada (Akhriso)

Cabdi Cade

RW Khayre oo la kulmay Mrs. Audrey Azoulay iyo xubno ay horkaceysay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---