(Sawirro) Wasiirka Difaaca & taliyaha XDS oo gaaray degaano laga saaray Al-Shabaab

Wasiirka Gaashaandhigga Somalia Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka XDS Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa kormeeray deegaanadii dhowaan laga saaray Al-shabaab ee gobolka Hiiraan.

Wasiirka iyo Taliyaha ayaa tagay degaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan halkaasoo dhawaan, waxay socod ku soo mareen guud ahaan deegaanka, iyaggoo dhiirigelin u sameeyay ciidanka xooga dalka.

Ciidanka XDS oo ay la socdaan shacabka deegaanka ayaa maalmihii ugu dambeeyay Al-shabaab kala wareegay degaano badan oo ku yaalla gobolka Hiiraan.

Sidoo kacdoonkan ayaa intii uu bilowday waxaa lagu dilay boqolaal ka tirsan xoogaga Al-Shabaab halka qaarkoodna la dhaawacay, waxaana sii kordhaya degaanada Al-shabaab gacantooda ka sii baxaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -