Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dilal aargoosi qabiil oo ka dhacay Muqdisho iyo laamaha amaanka DF oo War ka soo saaray

Laamaha ammaanka dowlada Soomaaliya ayaa shir deg deg ah ka yeeshay dilal la xiriira aanooyin qabiil oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degmada Kaaraan eeĀ  magaalada Muqdisho.

Shirka oo ka dhacay degmada Kaaraan ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii loo dhameyn lahaa dilalka la xiriira aargoosiga qabiil ee ka dhacay degmadaas.

Waxaa kulanka goob joog Ā ka ahaaa Taliyeyaasha Saldhigyada Qeybta Bari ee gobalka Banaadir, Afhayeenka Ciidanka Booliiska, Xeer ilaaliye ku xigeenka Maxkamada Ciidamada qalabka sida iyo Maamulka degmada oo uu ugu horeeyo guddoomiye Abshir Kaaraan.

Shirka ayaa laga soo saaray go’aano la xiriira sidii looga hortagi lahaa dhacdooyinka noocan ah, waxayna dhinacyadu isku raaceen in la bilaabo howlgal lagula dagaalamayo kooxaha amniga qal qalgelinaayo sidoo kalena sharciga la marinayo dadka ku howlan dilalka noocan ah.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Saadaq Doodishe ayaa faahfaahiyay kulankan isagoo sheegay in laamaha ammaanka ay la xisaabtami doonaan kooxaha ka dambeeyay dilalka saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degmada Kaaraaan, isagoo shacabka iyo waxgaradka degmadaas ka codsaday iney la shaqeeyaan laamaha amaanka DF.

Degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa waxaa 24kii saac ee la soo dhaafay lagu dilay saddex qof, waxaana dilalkaasi ay la xiriiraan aanooyin qabiil oo u dhexeeya labo beelood oo dhowaan ku dagaalamay degaano ka tirsan Sh/dhexe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo & Fahad Yaasiin oo dejiyey qorshe halis ah oo ka dhan ah Axmed Madoobe & Warar kale

Caydiid Ali

Wasiirka Gaashaandhigga oo Anita Kiki kala hadlay Dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Madaxweyne Muuse Biixi oo xariga ka jaray dhismaha xarunta cusub ee..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---