Ciidanka Dowladda oo la wareegay Deegaan Al Shabaab heesteen muddo 13-sanno ah

Ciidamada xoogga Soomaaliya oo garab ka helayay maleeshiyaadka deegaanka, ayaa saakay la wareegay deegaanka Booco oo qiyaastii 50-KM koonfurta uga beegan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Sida aan wararka ku helnay dagaalyahanadii Al Shabaab ee ku sugnaa deegaanka Booco ayaa halkaasi isaga baxay ,kahor inta aysan soo gaarin ciidanka dowladda iyo maleeshiyaadka kale ee la socda.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte ayaana la sheegay in uu hoggaaminayo ciidanka saakay la wareegay deegaanka Booco, waxa ayna ciidanka howlgalo ka wadaan xaafadaha kala duwan ee deegaankaasi kuyaalla.

Deegaanka Booco ayaa Al Shabaab waxa ay maamulayeen muddo ka badan 13-sanno, waxaana deegaankan Al Shabaab u ahaa fariisin muhiim ah ay kasoo abaabulaan qaraxyada iyo weerarada, waxa ay sidoo kale ku lahaayeen maxkamad weyn.

Ciidanka dowladda iyo maleeshiyaadka deegaanka ee wada jira ayaa guulo ka gaaraya dagaalka ay kula jiraan Al Shabaab, waxa ayna ciidamadan la wareegeen deegaano iyo tuulooyin horey gacanta Al Shabaab ugu jiray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -