Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DEG DEG: Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya oo geeriyooday

Waxaa saaka waaberigii ku geeriyooday magaalada Muqdisho xildhibaan ka tirsanaa golaha shacabka baarlamanka federaalka Somalia.

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Mursal (Boorow) ayaa la sheegay inuu geeriyooday ka dib xanuun soo wajahay inkastoo aan faahfaahin badan laga heynin xanuunkaas.

Geerida Xildhibaanka ayaa waxaa xaqiijiyey Xildhibaano saaxiibadiis ahaa iyo Wasiirkii hore ee haweenka DF Xaniifa Xaabsade oo bogagooda baraha bulshada ku soo daabacay.

Marxuum Xildhibaan Maxamed Maxamuud Mursal (Boorow) ayaa ka mid ahaa xildhibaanada laga soo doortay Maamulka degaanada Koonfur galbeed Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo: Xildhibaano reer Hiiraan ah oo taageray Xilka ka qaadista Gudoomiye Cali Jeyte

Caydiid Ali

Fahad Yaasiin oo ka falceliyay Hadalkii R/W Xamse Barre Weerar culusna ku qaaday

Cabdi Cade

Shukri Hassan “Tan iyo 2003-dii Nederlands waa mamnuuc in caruurta in la dharbaaxo”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---