Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab & agabyo kale oo lagu soo qabtay Howgal (Sawirro)

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgalo baaritaan ah ka sameeyey degaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha hoose

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in hawgalkan ujeedkiisu ahaa burburin goobaha ay Al-shabab ka dhigtaan gabaadka, waxaana  guri guri loo baaray xaafadaha Degaanka mubaarak.

“Intii lagu guda jiray baaritaanka Ciidanku waxau guulaysteen in ay burburiyaan goob ay nabadiidku ku farsamayn jireen walxaha qarxa iyo goob ay ku kaydin jireen dawooyinka” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka milateriga oo la hadlay warbaahibnta

Dhinaca kale Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay iney ku guulaysteen soo qabashada  xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku dhuumanayey degaanka Mubaarak.

Madaxii Maaliyada degaanka Mubarak u qaabilsanaa Al-shabaabm oo magaciisa lagu sheegay Abuu Salmaan ayaa ka mid ah xubnaha ciidamada DF sheegeen iney qabteen.

Ciidamada dowlada gaar ahaan kuwa Gorgor iyo Danab ayaa howlgalo culus oo ka dhan ah Al-shabaab ka wada degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Sh/hoose.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -