Madaxweyne Laftagareen oo caawa Magacaabay Wasiiro cusub (Magacyada)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Xassan Maxamed Laftagareen ayaa caawa magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya golihiisa wasiirada.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Laftagareen ayaa lagu magacaabay wasiirada kala ah:-

1-C/llaahi Cabdi Maxamed
Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha

2-C/llaahi C/raxmaan Ibrahin (Baardheere)
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta

3-Maxamed Ibraahim Isaaq
Wasiirka gaadiidka iyo dekedaha.

4-Mukhtaar Maxamed Aadan
Wasiir Ku-xigeenka howlaha guud iyo dib u dhiska

5-Maxamed Carmo Maxamed
Wasiir ku-xigeenka gaadiidka iyo dekedaha.

6-Axmed Maxamed Aadan
Wasiir ku xigeenka beyada iyo Duurjoogta

7-Muxyadiin Xaaji Cabdow
Wasiir ku-xigeenka boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada.

Afhayeenka Madaxtooyada Koonfur galbeed oo warbaahinta u akhriyey wareegtada ayaa sheegay in xeerkan uu saxiixay Madaxweyne Laftagareen uuna dhaqan galay laga bilaabo caawa.

HOOS KA DAAWO HADALKA AFHAYEENKA KOONFUR GALBEED

- Advertisement -