Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Khayre oo xil sare u magacaabay Masuul ay isku dhaceen Taliyaha NISA

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa soo saaray wareegto uu ku magacaabay Maareeyaha Mashruuca Aqoonsiga Qaranka.

“Mukhtar Xuseen Maxamed (Qooraansay) ayaa loo qaatay inuu noqdo Maareeyaha Mashruuca Aqoonsiga Qaranka (Managing Director for the National ID Project), si uu usoo dhiso hay’adda Aqoonsiga Qaranka (National ID Authority), isagoo kaashanaya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka iyo Guddiyadii dhisnaa” . ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha.

Mukhtaar ayaa hore uga tegay Hay’adda NISA oo uu ka ahaa Madaxa IT, markii ay isku dhaceen Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed (NISA), isagoo heysta dhalashada dalka Norway sida ay sheegayaan warar laga helayo ilo lagu kalsoon yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Beesha caalamka War ka soo saartay Shirka dib u heshiisiinta Galmudug (Akhriso)

Caydiid Ali

Xukun lagu riday Dad la socday gaari lagu qabtay isaga oo wada agabka qaraxyada loo adeegsado

Cabdi Cade

Dagaal xooggan oo ka socda Deegaan Yasooman iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---