Xubno ka tirsan Al-shabaab oo la soo taagay Maxkamad Milateri iyo xukun lagu riday (Sawirro)

Maxkamadda darajada 1aad ee ciidamada qalabka sida iyo denbiyada culus ee gobollada Nugaal iyo Sool ayaa maanta xukun ku riday lix dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay Al-shabaab iney ka tirsan yihiin

Labo ka mid ah dhalinyaradan oo lagu kala magacaabo Ismaaciil Cabdullaahi Ibraahim iyo Xasan Kuulow Ibraahim ayaa lagu xukumay xabsi daa’in, sida uu ku dhawaaqay Cabdiraxmaan Ciise Xuseen oo ah guddoomiyaha maxkamadda.

Raggan ayaa la sheegay in lagu soo qabtay dagaal ciidamada Puntland iyo Al-shabaab ku dhexmaray degaanka Bali-khadar oo ka tirsan buuraleyda Galgala ee gobolka Bari.

Ninka 3aad oo la yiraahdo Maxamed Ibraahim Isaaq oo 16 sanno jir ah oo la socday raggan la xukumay ayey Maxkamadu amartay in lagu wareejiyo Wasaaradda Caddaaladda iyo Dhaqancinta Puntland, iyadoo sheegtay inay u cuskatay qaangaar la’aan.

Saddexda eedeysane ee kale oo lagu kala magacaabo Mustafe Aadan Keerow, Bashiir Macallin Nuur iyo Cabdifitaax Macallin Cali ayey maxkamadu ku riday min 20 sanno oo xabsi ah, kadib markii lagu eedeeyay in la qabtay iyagoo u socda buuraleyda Galgala, isla markaana damacsanaa iney ku biiraan Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -