Saaxiibo mar ku wada jiray hogaanka Al-Shabaab oo isku arkay Muqdisho (Sawirro)

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa caawa hoyga uu Magaalada Muqdisho ka dagan yahay ku qaabilay Wasiirka diinta iyo awqaafta Dowlada Federaalka ah Mukhtaar Roobow Cali.

Labada nin ayaa mar ahaa saaxiibo dhow oo ka wada tirsanaa hogaanka sare ee kooxda Al-shabaab iyo Midowgii Maxaakiimta Islaamka.

Hase ahaatee Axmed Madoobe ayaa dhowr iyo toban sano ka hor ka baxay Al-Shabaab ka dib markii ay isku khilaafeen Maamulka gobolada Jubbooyinka gaar ahaan magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa xiligaas iska abaabulay gudaha Kenya oo uu baxsaday, wuxuuna qabsaday magaalada Kismaayo iyo degaano ka tirsan Jubada Hoose isagoo watay ciidamo Soomaali ah oo taageero ka helaya milateriga Kenya, wixii markaas ka dambeeyey labada nin ayaa kala irdhoobay maadaama Mukhtaar Roobow uu ka sii mid ahaa hogaanka Al-Shabaab, Axmed Madoobena uu ku dhawaaqay Maamulka Jubbaland oo ka mid noqday Maamulada xubnaha ka ah DF.

Hase ahaatee labada nin ayuu mar kale waqtigu isu keenay markii Mukhtaar Roobow uu sanado ka hor ka soo baxay Al-Shabaab oo ay is khilaafeen, haatana ka mid ah Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

- Advertisement -