(Akhriso) Madaxweyne Deni oo Magacaabay La-taliyeyaal cusub oo uu ku jiro Jen. Morgan

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 51 ee 14-ka Sibteembar 2022, kuna saabsan magacaabid La-taliyeyaasha Madaxweynaha ee Arrimaha Difaaca iyo Dhismaha Ciidanka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka  Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontooda iyo waayo-aragnimadooda ciidanaimo.

Markuu arkay: Baahida loo qabo dhismaha iyo horumarinta Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa Saraakiisha hoos ku xusan loo magacaabay La-taliyayaasha Difaaca iyo Dhismaha Ciidanka Puntland ee Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Puntland.

  1. S/gaas. Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan)
  2. S/gaas. Yasiin Cumar Dheere
  3. S/gaas. Cabdishugri Cabdulaahi Xuseen
  4. S/guuto.Siciid Cabdi Faarax (Tuutawayne)
  5. S/guuto. Dayr Xaaji Cabdi

Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

- Advertisement -