Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ciidamada Itoobiya oo Duqeeyay magaalada Makelle xilli TPLF ku baaqday Wadahadal

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn oo ay adeegsadaan ciidamada federaalka Itoobiya ayaa duqeyn culus ka fuliyay magaalada Makelle ee caasimadda gobolka Tigrey, waxaana duqeyntaasi ka dhashay khasaaro kala duwan.

Saraakiil katirsan maamulka Togrey ayaa ku eedeeyay ciidamada federaalka in duqeyn dhinaca cirka ah ka geesteen magaalada Makelle, waxaana duqeyntan cabsi badan ka abuurtay caasimadda Tigrey.

Maamulka isbitaalka ugu weyn gobolka Tigrey ee isbitaalka Ayder Referral Hospital,ayaa sheegay in duqeyntan dhacday uu ku dhaawacmay hal qof oo xaaladiisa caafimaad dhaqaatiirta la tacaalayaan.

Ilo madax banaan ayaa xaqiijinaya in duqeynta ciidamada cirka Itoobiya ka geesteen Makelle ay khasaaro kala duwan gaarsiisay xubno katirsan TPLF sidoo kale lagu bur buriyay xarumo kooxdaasi laheyd.

Duqeynta ka dhacday gobolka Tigrey ayaa imaaneysa xilli kooxda TPLF shaaciyeen in ay diyaar u yihiin in wadahadal nabadeed la galaan dowladda federaalka Itoobiya si loo soo afjaro colaada ka taagan Waqooyiga Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Tababar loo soo xiray ciidamo ku xareysnaa Dugsiga Ciidamada ee…

Cabdi Cade

Muxuu shirkii Garoowe kaga duwanaa shirarkii ka kala dhacay Hobyo & Muqdisho?

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyey duqeymo & dagaalo ka dhacay degaano ka tirsan gobolka Bari

Caydiid Ali
Taboola Ads ---